Hadal heyn ka dhalatay Xayiraada Dowlada soo rogtay iyo Banaan baxa mucaaradka

Dowlada Soomaaliya ayaa xalay soo saartay go’aano adag oo la doonayo in lagu yareeyo loogana hortago faafitaanka cudurka Covid-19 oo si xowli ah ugu sii faafaya magaalada Muqdisho dad badana ku dilaya.

Go’aanka Dowlada Soomaaliya soo saartay ayaa lagu xiray goobaha waxbarashada ee kuyaala magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale la joojiyay goobaha ay dadka isugu yimaadaan sida xafladaha iyo garoomada ciyaaradaha.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaana si weyn isku weediinaya go’aanadan xalay dowlada Soomaaliya soo saartay ee lagu xakameenayo faafitaanka cudurka Covid-19 iyo banaan baxa dowlada ogolaatay ee lagu wado in mucaaradka ka dhigaan Muqdisho.

Dadka ayaana isweediinaya sida ay isku qaban karaan in la xiro goobaha waxbarashada iyo goobaha dadku isugu yimaadaan taa badalkeena dowlada ogolaato banaan bax weyn oo isugu imaanayaan boqolaal qof.

Falanqeeyaasha siyaasada ayaa aaminsan in dowlada Soomaaliya go’aanadan ay xalay soo saartay ku dooneyso in ay ku dhinto saameynta banaan baxa mucaaradka qorsheenayaan si caqabad hor leh loo galiyo banaan baxaasi.

Lama oga in mar kale go’aankan dowlada Soomaaliya kasoo baxay uu saameyn ku yeelan doono banaan baxa la qorsheeyay in mucaaradka magaalada Muqdisho ka dhigaan maalinta Sabtida.

Cudurka Covid-19nayaa kusii faafaya magaalada Muqdisho, waxaana cudurkan maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdishoku dilay  boqolaal qof halka dad kale oo badana ay la jiifaan isbitaalada iyo guryahooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -