Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi oo kulan sagootin iyo mahadcelin ah la qaatay Catriona Laing (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan sagootin ah la qaatay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Amb.Catriona Laing oo laga beddelay shaqadii ay hore u haysay ee Qaramada midoobay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa uga mahadnaqay Amb Laing muddadii ay soo wada shaqeeyeen iyo hawlihii muhiimka ahaa ee u dhexeeyey Qaramada midoobay iyo  Somaliland ee qabsoomay muddadii ay shaqada gacanta ku haysay.

Dhinaceeda, Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Amb. Catriona Laing ayaa madaxweynaha uga mahadnaqday sidii wanaagsanayd ee ay xukuumaddiisu ula shaqaysay muddadii ay xilka haysay iyo sidii xilkasnimada lahayd ee ay usoo wada shaqeeyeen.

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Marwo Rooda Jaamac Cilmi.

Dhinaca weftigana waxa ku wehelinaayey Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid tahay Nikolai Rogosaroff, oo ah madaxa xafiiska Hargeysa, Katherine Brooks, Axmed Qalinle, Mustafe Khayre iyo Daahir Maxamed.

Related posts

Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Aw-dheegle oo la dalacsiiyey

Caydiid Ali

Xamse & xubno kale oo boqolaal shacab ah kula tukaday Masjidka Isbaheysiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka dowlada oo Howlgal ka sameeyay Wado aan la marin mudo 7-sano ah (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---