Trump oo hanjabaad culus diray iyo Maraykanka iyo Iran oo dagaal qarka u saaran

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inaysan u muuqan in Mareykanka uu dagaal la geli doono Iran, kadib markii dibad-baxayaal taageersan Iran ay isku dayeen inay ku xoomaan safaaradda Mareykanka ee Baghdad.

Trump ayaa shalay soo tweet gareeyey in Iran ay qaadi doonto mas’uuliyadda waxyeello kasta ama dhaawac kasta oo ka dhaca safaaradda “Waxay bixin doontaa qiimo weyn. Tani ma ahan digniin. Waa hanjabaad.” ayuu yiri Trump.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa Talaadadii kala hadlay ra’iisul wasaaraha Iraq Adel Abdul Mahdi inay ilaaliyaan shaqaalaha iyo xarumaha Mareykanka ee Iraq, waxaana uu xalay u mahad-celiyey dowladda Iraq.

Wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa dhacdadii Talaadada uga jawaabeysa inay ciidamo 750 askari oo dheeraad ah u dirto Bariga Dhexe.

“Daad-gureynta ciidamadan waa talalabo taxaddar ah oo habboon oo la qaadayo, si looga jawaabo halis sare usii kaceysa oo ay wajahayaan shaqaalaha iyo xarumaha Mareykanka.” Waxaa sidaas yiri wasiirka difaaca Mareykanka Mark Esper.

Dibad-baxayaasha isku dayaya inay galaan safaaradda Mareykanka ee Iraq oo dhowr kun ah, ayaa ka carreysan duqeymo ay ciidamada Mareykanka la beegsadeen maleeshiyo Iran ay taageerto oo ku sugan dalalka Iraq iyo Syria.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -