Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dil maanta ka dhacay Muqdisho

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa maanta gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen Ganacsade Nuur Kheyre Guutaale oo kamid ahaa saamileyda Shirkada hilibka ee Sommeat.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in masuuliyada dilkaasi iyagu ka dambeeyeen, waxa ayna Shabaab sheegeen in ninkan la dilay uu kamid ahaa ergadii Xildhibaanada kusoo dooratay magaalada Cadaado.

Ragii hubeesnaa ee dilka u geestay ganacsadaha ayaa goobta si nabad galyo uga baxsaday, waxaana goobta dilku ka dhacay gaaray ciidamo booliis ah kuwaa oon ku guuleesan in ay soo qabtaan ragii dilka geestay.

Al Shabaab ayaa  magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen dad badan oo la sheegay in ay kamid ahaayeen ergadii Xildhibaanada kusoo doortay qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka ka jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo shaacisay iney wafdi u direyso dalka Iran iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Milatariga Sudan oo qaadacay Shirka Nabadda ee ka socda Sacuudiga iyo hal arrin oo Sabab u ah

Cabdi Cade

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Taliyaha ugu sareeya ciidamada Kenya (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---