Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Wakiilada Q/M iyo Midowga Afrika ee Somalia (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha maamul Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta magaalada Kismaayo kulan kula qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom iyo wakiilka Midowga Afrika Ambassador Fransisco Madeira.

Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlay arimo kala duwan ay kamid ahaayeen xal u helida khilaafka xoogan ee xiligan u dhaxeeya dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa uga mahad celiyay Wakiilada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya dadaalada ay ku doonayaan in xal looga gaari khilaafka ka dhax aloosan dowlada Federaalka iyo maamulada dalka ka jira.

Axmed Madoobe ayaa u sheegay Wakiilada uu la kulmay in aysan qasab aheyn in Beesha Caalamka dhax dhaxaadiso dowlada Federaalka iyo Madaxda maamul goboleedyada, waxa uuna sheegay in hada Aqalka sare wado dadaalo xal lagu raadinayo.

Nicholas Haysom iyo Fransisco Madeira ayaa dhankooda si wadajir ah u bogaadiyay hormarka iyo dadaalka kasocda jubbaland gaar ahaan nabadgalyada iyo sida ay uga go’an tahay in dalka laga xoreeyo Al-Shabaab.

Wakiilada Beesha Caalamka aaa sidoo kale sheegay in ay tagi doonaan maamulada kale ee dalka ka jira si ay ugala soo hadlaan xal u helida khilaafka xiligan ka dhax aloosan Dowlada Federaalka iyo maamul goboleedyada xubnaha ka ah.

Related posts

Maraykanka oo Bariga Dhexe u diray USS Abraham Lincoln iyo saanad dagaal

Cabdi Cade

Qaybta 2 aad :-Maxaad kala socotaa Mucjisooyinkii cajiibka ahaa ee la siiyey Nebi Muuse CS?

admin

Muuse Biixi oo qaabilay Mss. Kristina Svensson iyo xubno ay horkaceysay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---