Allbanaadir.com
NEWS

Qoorqoor & Catriona Lainga oo kormeeray xarunta Q/Midoobay ee Dhuusamareeb (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa  Dhuusamareeb ku qaabiley wakiilka xoghayaha Qarammada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya marwo Catriona Lainga oo soo gaba-gabeyneysa shaqadii diblumaasiyadeed ee ay ku joogtay Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafiga la socday marwo Catriona Lainga ayaa kormeer ku tagay dhismaha xarunta Qarramada Midoobe ee Galmudug oo meel wanaagsan uu maraaya dhismaheedu, iyadgoo sidoo kale ay ka wada hadleen amniga iyo la dagaallanka argagaxisada, arrimaha doorashooyinka iyo qaybintooda iyo guud ahaan siyaasadda dalka.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa soo gebagebeynaysa hawsheeda bishan Maajo.

“Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in Soomaaliya ay guuleysan doonto isla markaana Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, oo ay wehliyaan saaxiibadayada caalamiga ah, ay sii wadi doonaan dowrka muhiimka ah ee lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ku socda waddada nabadda iyo xasilloonida – shakhsi ahaan, Soomaaliya waxay ii tahay goobta rajada iyo saaxiibtinimada, waana sii wadi doonaa taageerada iyo u qareemidda Soomaaliya meel kasta oo aan joogo,” ayay tiri Mw. Laing, oo sidoo kale ah Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Hawshii loo xilsaaray Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee halka sano ahayd waxay ku egtahay 21ka bisha Maajo.

Related posts

Faahfaahino ka soo baxaya weerar ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Muqdisho

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo maanta tagaya magaalo katirsan gobolka Shabeelaha Hoose

Cabdi Cade

Qarax Ismiidaamin ah oo lagu weeraray Safaarada Ruushka ku leedahay Kabul

Cabdi Cade
Taboola Ads ---