Qarax Ismiidaamin ah oo lagu weeraray Safaarada Ruushka ku leedahay Kabul

Qof waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray ayaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday safaaradda dalka Ruushka ku leeyahay magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afganistan, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay lix qof ayaa ku dhintay weerarka ismiidaaminta ah ee ka dhacay afaafka hore ee safaaradda Ruushka ku leeyahay magaalada Kabul, waxaana dadka dhintay labo kamid ah yihiin shaqaalaha safaaradda halka toban qof oo kalana dhaawacmeen.

Qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa beegsaday diblumaasi katirsan safaaradda Ruushka oo ku sugnaa afaafka hore ee safaaradda, waxaana xilligaasi la sheegay in uu yeerinayay magacyada dad u dhashay Afganmistan oo helay dal ku galka Ruushka.

Wali lama oga xaalada uu ku sugan yahay diblumaasiga u dhashay dalka Ruushka ee lagu beegsaday weerarka ismiidaaminta ah, mana jirto ilaa hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxan ismiidaaminta ah ee ka dhacay Kabul.

Afhayeen u hadlay booliiska Afganistan oo lagu magacaabo Khalid Zadran , ayaa sheegay in ciidanka Taalibaan toogteen kahor inta uusan qarxin qofka waxyaabaha qarxa isku soo xiray inta uusan gaarin bartilmaameedkiisa rasmiga ahaa.

“Qofka is qarxiyey wuxuu damcay inuu isku dhex qarxiyo dadka safka ku jiray, balse ciidamada ammaanka ayaa ka hortagay oo toogtay ka hor intii aanu gaadhin halkii uu u socday, taasoo keentay inuu markiiba is qarxiyo” ayuu yiri Khalid Zadran.

Dowladda Ruushka ayaa cambaareesay weerarkan ismiidaaminta ah ee lagu qaaday safaaradooda kutaalla magaalada Kabul, waxa ayna wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka tacsi u dirtay ehelada dadkii ku dhintay weerarkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -