Madaxweyne Farmaajo oo maanta tagaya magaalo katirsan gobolka Shabeelaha Hoose

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa in uu tago magaalada Baraawe ee caasimada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saakay ka socota magaalada Baraawe, waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka magaalada Baraawe iyadoona ciidamo badan la dhigay wadooyinka magaaladaasi.

Wefdi horu dhac u ah safarka Madaxweynaha Soomaaliya ku tagayo magaalada Baraawe ayaa shalay magaaladaasi gaaray, waxaa sidoo kale magaalada la geeyay qaar badan oo kamid ah ilaalada gaarka ah Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa ujeedka safarka uu ku tagayo magaalada Baraawe lagu sheegay in uu xariga ka jari doono garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe oo dib u dhis lagu sameeyay, waxa uu sidoo kale Madaxweynaha dhagax dhigi doonaa mashaariic kala duwan.

- Advertisement -