Allbanaadir.com
NEWS

Dad boqolaal kun gaaraya oo ka qaxaya Rafah ka dib duulaanka ay qaaday Israel (Sawirro)

Israa’iil ayaa tobanaan kun oo kale oo Falastiiniyiin ah u sheegtay in ay isaga baxaan Rafah, xilli ay sii xoojisay hawlgallada milatari ee koonfurta Qaza.

Warqado hawada lagasoo daadiyay iyo fariimo lagu qoray baraha bulshada ayaa loogu sheegay dadka deggan degmooyinka bari ee magaalada inay aadaan al-Mawasi – oo ah dhul xeebeed ciriiri ah kaas oo ay Israa’iil ugu yeertay “aag bani’aadannnimo oo fidsan”.

Qeybo ka mid ah magaalada Rafah oo ahayd meel ay wadooyinku buux dhaafiyeen dad shacab ah iyo dad barakacayaal ah maalmo ka hor ayaa hadda u muuqata magaalo ay dadku ka qaxayaan.

Israa’iil ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto howlgallada qorsheysan ee Rafax, inkastoo Mareykanka iyo xulafada kale ay ka digayaan in duullaanka dhulka uu horseedi karo in khasaare soo gaaro dad badan oo rayid ah ayna ka dhalan karto dhibaato bini’aadantinimo.

Sabtidii, madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in xabbad joojin laga sameeyo Gaza ay suurtogal tahay isla maalinta xigta, haddii Xamaas ay sii daayaan la haystayaasha.


 

Related posts

Ciidamada Booliiska oo Muqdisho ku qabtay Dhallinyaro dhibaato ku hayay Shacabka

Cabdi Cade

Dowladda oo sheegtay in la bur buriyay Maxkamad ay laheyd Al Shabaab ragna laga dilay

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor-qoor oo goor dhow soo gaaray Muqdisho iyo Laftagareen oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---