Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu taliye Sambalooshe kala hadlay odayaasha G/Hiiraan iyo Xildhibaano (Sawirro)

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulan la yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kale ee Bulshada reer Hiiraan.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga ee Gobolka iyo sidii dardargalin lahaa dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ayaana adkeeyay muhiimadda ay dowladda u leedahay in dalka oo dhan laga sifeeyo Al shabaab

Dhankooda, Xildhibaanada Baarlamaanka, Odayaasha dhaqanka iyo Qeybaha Bulshada oo Taliye Sanboloolshe kaga mahadceliyay dadaalka uu ku bixinayo amniga ayaa waxa ay balan qaadeen in ay sii xoojin doonaan doorkooda ciribtirka Al shabaab.

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa lagu wadaa in dhowaan uu magaalada Beledweyne uga qeyb galo Caleema Saarka Ugaaska Guud ee Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Related posts

Madaxwayne Dani oo Shaaciyay waxa dhici kara hadii la fulin waayo heshiiskii Doorasha & Gen.Xuud oo..

admin

Daliban oo gacanta ku dhigtay Magaalada labaad ee ugu weyn dalka Afghanistan (Sawirro)

Caydiid Ali

Sadexda Masuul ee ugu sareysa dowladda oo dalka ka maqan xilli ay jirto Xiisad Siyaasadeed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---