Sadexda Masuul ee ugu sareysa dowladda oo dalka ka maqan xilli ay jirto Xiisad Siyaasadeed

24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa waxaa dalka siyaabo kala gooni gooni ah uga dhoofay Madaxweynaha, Raisul-Wasaaraha iyo gudoomiyaha Baarlamanka Somalia oo ah sadexda masuul ee dalka ugu sareysa.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay ka dhoofay dalka ayaa gaaray magaalada Paris si ay uga qayb galaan shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris oo maanta furmaya

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa isna u dhoofay magaalada Nairobi oo uu kaga qeyb galayo kaga qayb-gelaya shirka Dadweynaha iyo Horumarka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey.

Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan iyo wafdi kale oo uu horkacayo ayaa isna galabta ka degay magaalada Addis ababa ka dib casuumad la sheegay inuu ka helay dhigiisa dalka Itoobiya.

Maqnaanshaha sadexda masuul ee ugu sareysa dalka ayaa dadka falanqeeya arrimaha Somalia u arkaan mid aan xiligan habooneyn oo dad badan walaac ku abuuray maadaama ay dalka ka jiraan xiisado siyaasadeed oo kacsan arrimo bani’aamnimo oo ka dhashay fatahaada webiyada iyo daadadka ku dhuftay magaalooyinka qaar.

Inkastoo dowlada laga rabo iney fagaareyaasha caalamka ku metesho Somalia haddana dad badan ayaa qaba in laga fiicnaa sadexdooda xiligan xasaasiga ah iney dalka dibeda ka wada aadaan, ayna ka habooneyd intii ay ku mashquuli lahaayeen shirar aan macno badan laheyn iyo casuumaadyo iney ka qeyb qaataan dejinta xiisada siyaasadeed ee dalka ka jirta iyo isku dubaridka gurmadka fatahaadaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -