Daliban oo gacanta ku dhigtay Magaalada labaad ee ugu weyn dalka Afghanistan (Sawirro)

Daliban ayaa la wareegtay magaalada Kandahar oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Afghanistan,

Talaabadan ayaa dhabar jab ku ah dowladda, iyadoo  Kandahar ay mar ahaan jirtay xaruntii Daliban, ciidamada dowlada ayaana ku guuldareystay iney difaacaan magaaladaas

Dagaalyahanada Taliban ayaa haatan gacanta ku hayaan qiyaastii saddex meelood labo gobollada Afghanistan.

Dagaalka Afghanistan waxaa ku baxday lacag ka badan laba Tirilyan oo doolar, waxaa ku dhintay dad ka badan 240 kun oo ruux, dhaawaca iyo khasaaraha kalana lama koobi karo.

20 sano oo ay ciidamada Maraykanka iyo xulafadoodu joogeen dalkaas ayaa muwaadiniinta dalkaas ee aan waxba galabsanna la isugu daray barakicin, xadhig, ciqaab jidheed oo arxandarro ah iyo nolol silica, guusha keliya ee la gaarayna waxa ay ahayd in Daliban laga durkiyey magaalooyinka waa weyn, Dawlad maqaarsaar ahna la dhisay.

Markii Maraykanku ku fashilmay in uu wax ujeeddo siyaasadeed ama milateri ah ka gaaro, una adkaysan waayey dhiigbaxa, waxa uu ku qasbanaaday inuu ka baxo. Laakiin goobta ay ka baxaanba saacado kaddib waxaa la wareegaysa Daliban oo intii hore ka qab weyn, kana xiniinyo cad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -