Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo Gudoomiyey shir looga hadlay lix qodob oo xasaasi ah (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada.

Qodobada looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada:-

  1. Amniga Guud
  2. Saameynta ay geysteen Roobabkii ka da’ay Puntland, sida khasaaraha Naf iyo Maal leh iyo burburka soo gaaray Waddooyinka.
  3. Gurmadka dadka Roobabku saameeyeen.
  4. Qorshaha Biyo- ka -saarka Gaalkacyo.
  5. Kulankii Xisbiyada Siyaasadda Puntland iyo qabashada Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka harsan.
  6. Iyo sida uu u socdo Ololaha daaweynta Xoolaha Puntland oo meel Wanaagsan maraya.

Golaha Wasiirada ayaa dib-u-eegay qobadii looga hadlay Shirka todobaadkii hore iyo waxa ka qabsoomay, Madaxweynaha ayaa faray dhammaan Hay’adaha Dowladda in la dardargeliyo adeega Dowladnimo ee bulshada loo hayo.

Related posts

Xiliga dib loo howlgelinayo garoonka Stadium Muqdisho oo la shaaciyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Kenya oo isbadal ku sameesay Go’aankii ay ku xiri laheyd Xeryaha Dadaab iyo Kakuma

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo caawa weerartay degmada Balcad & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---