Howlgalada ciidanka Xoogga dalka ka wadaan Jubbooyinka oo la xoojinayo

Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Dowladda Jubbaland ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagu qabtay Taliska guutada labaad ee Ciidamada Darawiishta Jubaland ee deegaanka Buulo-guduud ee gobolka Jubada Hoose.

Shirka ayaa lagaga hadlay arrimaha amniga iyo howlgalada Ciidamada kala duwan ee Dowladda Jubaland ay ka wadaan deegaanada hoostaga Degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose.

Dib u dajinta iyo taageerada dadka ku dhaqan deegaanada jiinka wabiga Juba iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa roobabka iyo fatahaadaha laga cabsi qabo inay ka dhacaan deegaanada Jubaland ayaa sidoo kale shirka looga arrinsaday.

Waxaa kale oo kulanka lagaga hadlay sidii loo dardargalin lahaa barnaamijyada xalka waara ee wax lagaga qabanayo musiibooyinka dabiciiga ah.

Dhinaca kale, Ku-simaha Madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kormeer ku tagay Buundooyiinkii ay saameeyeen daadadkii fatahaaddii Elnino ee hore saameynta taban ugu yeehay deegaanada hoostaga degmada Jamaame.

Buundooyinka uu Madaxweyne ku xigeenku booqday ayay dowladdu dib u hagaajin ka waddaa iyadoo maalmaha soo socdana xarigga laga jari doono.

- Advertisement -