Xiliga dib loo howlgelinayo garoonka Stadium Muqdisho oo la shaaciyey (Sawirro)

Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Agaasmaha Guud ee Wasaradda, cayaartoy ka timid dalka dibadiisa iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta kormeer howleed ku tegay garoonka cayaaraha ee Stadium Muqdisho.

Masuuliyiintan ayaa u kuurgalay dhismaha iyo dayactirka mudooyinkan ka socday garoonka oo meel gebogeba ah maraya.

Guddoomiyaha Degmadda Warta Nabadda Saynab Maxamuud Warsame ayaa warbixin ka siisay Wasiirka dhallinyrada iyo mas’uuliyiinta kale ee la socotay heerka uu marayo dhismaha garooonka.

Guddoomiye ku-xigenka arrimaha bulshadda Maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti ayaa uga mahadcelisay Maamulka degmadda Warta Nabadda sida wanaagsan ee ay ugu qeyb qaadanayaan isdhaxgalka Bulshada.

Wasiirka dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in dhawaan lasoo gaba gabayn doono dhismaha garoonka cayaaraha ee Stadium Muqdisho, waxayna sheegtay in dhowaan dhallinyarada maanta ay keeneen garoonka ee ka timid dalka dibadiisa ay la ciyaari doonaan xidigaha degmada Dharkeynlay oo dhowaan ku guulaystay koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wasiir Khadiija ayaa daboola ka qaaday in bisha Janaayo ee sanadka cusub xariga laga jari doono garoonka cayaaraha ee Stadium Muqdisho, isla markaana lagu qaban doono tartamo isboorti oo heerar kala duwan leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -