Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Faahfaahin: Ganacsade caan ah oo xalay lagu toogtay Magaalada Beled-wayne

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan dil xalay Ganacsade caan ah loogu geystay magaalada Belad-weyne ee gobolka Hiiraan suda ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Marxuumka oo la oran jiray Cumar Yuusuf Cali Ducaale  ayaa lagu toogtay meel ku dhow hoygiisa ku yaalla xaafada Howlwadaag ee magaalada Belad-weyne.

Wararaka ayaa sheegaya in dilka marxuumka ay ka dambeeyeen rag bastooldo ku hubeysan oo markii ay falkaas fuliyeen ka baxsaday goobta.

Ciidamada amaanka ayaa xalay ilaa saaka howlgalo ka waday nawaaxiga goobta lagu dilay ganacsadaha iyagoo baadi goobaya raggii falkaas ka dambeeyey.

Ma jirto cid sheegatay dilka ganacsadahan, mana cadda illaa hadda sababta loo dilay iyo cida ka dambeysa dilkiisa oo si weyn looga hadal hayo magaalada Belad-weyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sidee maanta looga ciiday magaalooyinka Garowe & Boosaaso ee degaanada Puntland? (Sawirro)

Caydiid Ali

Jeneral C/Fataax Al-Burhan oo u duulay Mareykanka iyo Ujeedka Safarkiisa oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Nin sabab u ahaa geerida gabar uu guur sharcidarro ah la galay oo Muqdisho…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---