Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal ciidan oo loo magacaabay in uu noqdo guddoomiyaha degmada Karaaan

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday guddoomiyihii degmada Karaaan Abshir Kaaraan , halka uu guddoomiye cusub u magacaabay degmadaasi.

Sida aan xogta ku helnay guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa guddoomiyaha cusub ee degmada Kaaraan u magacaabay sargaal katirsanaa ciidanka booliiska oo lagu magacaabo gaashaanle Faarax Cadaani Maxamed .

Sargaalkan loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee degmada Kaaraan ayaa horey usoo noqday taliyaha ciidanka booliiska ee saldhigyada degmada Yaqshiid iyo sidoo kale deegaanka Daarusalaam.

Degmada Kaaraan oo kamid ah degmooyinka ugu ammaanka xun gobolka Banaadir ayaa muddo sannado badan ah waxaa guddoomiye ka ahaa nin lagu magacaabo Abshir Kaaraan, kaa oo awood badan ku lahaa degmadaasi.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa hadda bilaabay in isbadal ku sameeyo qaar kamid ah guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana la filayaa in maalmaha soo soca xilka ka qaado guddoomiyaal kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Iska hor imaad khasaaro geestay oo ka dhacay Xaafad katirsan Muqdisho

Cabdi Cade

Macalinkii lagu dilay Muqdisho oo maanta la aasay xilli aan lasoo qaban ninkii dilay

Cabdi Cade

Haweeneyda 40 jirta ee waalidkeed mushahar kaga qaadata daryeelkood

Cabdi Cade
Taboola Ads ---