Allbanaadir.com
NEWS

Haweeneyda 40 jirta ee waalidkeed mushahar kaga qaadata daryeelkood

Waxaa aad Shiinaha u qabsatay sheekada haweeney 40 jir ah oo dooratay inay shaqo joogto ah – oo ay lacag ku qaadanayso – ka dhigato daryeelka labadeeda waalid.

Waxay isaga soo tagtay shaqo muddo 15 sannadood ah ay ka heysay shirkad haweeneydan oo la yiraahdo Nianan. Waxaana ku badnaa nasiino la’aan joogto ah iyo warwar. Laakiin labadeeda waalid ayaa la yimid aragti ay ku qanacday oo ah in – beddelkii ay shaqaale u noqon lahayd qolo kale – ay iyaga u shaqeyso kana qaadato mushaharkii ay shirkadaas ka qaadan jirtay!

Lacag dhan 4,000 yuan ($570) ayay labadeeda waalid usoo bandhigeen inay ku qaadato daryeelkooda iyo baxnaanintooda bil walba. Waa fikrad ugu dambeyntii qancisay Nianan inay isaga soo tagto shaqadeeda hore – aqbashana midda ay waalidiinteedu usoo bandhigteen.

Sannad kaddib shaqadii ay waalidkeedu siiyeen, Nianan waxay sheegtay inay ku heshay xasilooni, farxad iyo jaceyl shaqada ay waalidkeeda u qabato. Waxay wehlisaa labadooda: u karisaa cunnada una raacdaa suuqyada iyo socodka luga-baxsiga ah oo ay mararka qaar u baxaan.

Waxay sheegtay in waalidkeedu ay xattaa weli u oggol yihiin inay fursado kale oo shaqooyin ah codsan karto – kuna beddelan karto midka ay hadda iyaga u heyso haddii ay ku tagayso qiimo macquul ah.

Waxay sheegtay inay mushaharkeeda ka hesho qoondada aayamaalka dadka howlgabka noqdo taas oo labadeeda ay ka helaan adduun dhan 100,000 yuan ($15,000).

Sheekada qoyskan ayaa hadalheyn ka dhex abuurtay bulshoweynta Shiinaha.

Dhaqanka shaqada Shiinaha ee 996 – oo ka dhigan 3 saac ilaa 9 ka shaqeey muddo lix maalmood ah toddobaadkii, wuxuu shaqaale ku abuuray warwar, feker joogto ah iyo nasiino la’aan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sargaal la sheegay in uu kasoo goostay Al Shabaab oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade

Maraykanka oo ciidamo hor leh geeyey garoonka dayuuradaha Kabul (Sababta)

Caydiid Ali

Isbaacsiga Reer Galbeedka iyo Shiinaha oo Xasillooni Darro Ka Abuuraya Geeska Afrika !

Cabdi Cade