Iska hor imaad khasaaro geestay oo ka dhacay Xaafad katirsan Muqdisho

Waxaa xalay iska hor imaad khasaaro geestay uu ka dhacay Xaafada Gubta ee degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ,waxa uuna iska hor imaadka dhax maray ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya iyo koox burcad ah.

Sida aan wararka ku helnay kooxda burcada hubeesan ayaa xaafada gubta dhac ka geesanayay iyaga oo iska dhigaya ciidamada amaanka oo howlgalo baaris ah ka sameenaya guryaha kuyaala xaafadaasi.

Dadka deegaanka ayaa si hoose booliiska ugu wargaliyay kooxaha burcada ah ee dhaca geesanayay, waxaana durba goobta soo gaaray ciidamada booliiska oo iska hor imaad kala kulmay burcada hubeesan.

Inta la xaqiijiyay hal nin oo shacab ah ayaa ku dhintay rasaasta ay is dhaafsanayeen kooxaha burcada iyo booliiska, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay mid kamid ah burcadii dhaca geesaneysay.

Ciidamada booliiska ayaana gacanta ku dhigay ninka burcada ah ee dhaawacmay, waxaana ninkaasi lagu wareejiyay laanta dambi baarista booliiska Soomaaliyeed ee loo soo gaabiyo CID-da.

Kooxo burcad hubeesan oo xiran dareeska ciidanka dowlada iskana dhiga ciidamo guryaha baaritaano ku sameenaya ayaa mararka qaar dhac u geesta dadka shacabka ah, waxa ayna burcadan abuureen kala shaki soo kala dhax gala shacabka iyo ciidamada amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -