DEG DEG: Xamaas oo ugu dambeyn ogolaatay heshiiskii xabad joojinta Gaza

Xamaas ayaa ku dhawaaqday in Ismaaciil Haniyeh oo ah madaxa xafiiskeeda siyaasadda uu u sheegay dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Masar in Xamaas ay ogolaatay soo jeedintooda heshiis xabad joojin ah.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Haniyeh “uu la xiriiray Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, iyo Wasiirka Sirdoonka Masar Mr. Abbas Kamel, oo uu ku wargeliyay heshiiska Xamaas ee soo jeedintooda ee ku saabsan heshiis xabbad-joojin ah.”

“Walaalkii mujaahid Ismaaciil Haniyeh oo ah madaxa xafiiska siyaasadda ee dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa khadka taleefoonka kula xiriiray Ra’iisul wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdul Rahman Al Thani iyo wasiirka sirdoonka Masar Cabbaas Kamel, wuxuuna ku wargaliyay Dhaqdhaqaaqa Xamaas ee oggolaanshaha soo jeedintooda ku saabsan heshiiska xabbad joojinta.”

Sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in “kubadu ay hadda hor taallo Israa’iil”, iyadoo aaney weli wax jawaab ah ka bixin dowladda Israa’iil.

- Advertisement -