Ciidamada Israel oo amray in laga baxo Rafah iyo qax balaaran oo ka bilowday (Sawirro)

Milatariga Israa’iil ayaa Isniintii maanta ugu baaqay dadka ku sugan qeybo ka mid ah bariga Rafah inay  “si degdeg ah ugu guuraan” waxa ay ugu yeereen goob bini’aadantinimo.

“Amnigaada awgeed, Ciidanka Difaaca wuxuu kugu boorinayaa inaad si degdeg ah ugu guurto aagga bani’aadamnimada ee la ballaariyay,” ayuu yiri afhayeenka IDF Avichay Adraee.

Baaqa ayaa imaanaya maalin kadib markii wasiirka difaaca ee dalkaasi uu u sheegay ciidamada ku sugan Qaza ay bilaabayaan weerarka Rafah

Milateriga Israa’iil ayaa daadiyay waraaqo ay ugu sheegayaan dadka deggan bariga Rafah inay si ku meel gaar ah ugu guuraan waxa ay ugu yeereen aag bini’aadanimo oo la ballaariyay.

“Ciidanku waxa ay ku dhow yihiin in ay xoog kula dagaalamaan ururada argagaxisada ah ee ku sugan deegaanka aad hadda degan tihiin, cid kasta oo deegaankaas ku sugani waxa ay khatar gelineysaa nafteeda iyo xubnaha qoyskooda, si aad u badbaadisaan, si deg-deg ah ugu guura aagga bani’aadamnimada ee Al-Mawasi,” ayaa lagu yiri warqadaha lagu soo daadiyay Rafah.

Waxaa sidoo kale lagu soo daadiyay waraaqo qaybo kale oo ka mid ah Gaza, kuwaasoo lahaa “Magaalada Gaza waa aag dagaal oo khatar ah, iska ilaali inaad u gudubto waqooyiga Wadi Gaza.”

Warqadaha ayaa u digay dadka ku sugan Kaamka Rafah, Camp Brazil iyo xaafadaha Al-Shabura iyo Al-Zohur inay ka guuraan.

Hay’adda ugu weyn ee Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka Falastiin ayaa sheegtay inaysan ka baxeyin bariga Rafah ka dib markii militariga Israa’iil ay ku booriyeen dadka deegaanka inay ka baxaan qaybo ka mid ah magaaladaas.

Bayaan ay soo saartay Isniintii, UNRWA waxay ku sheegtay in ay sii wadi doonto joogitaanka Rafah ilaa iyo inta suurtogalka ah ayna sii wadi doonto bixinta gargaarka nafaha lagu badbaadiyo ee dadka.

Awaamiirtii hore ee Israa’iil ee daad-gureynta Gaza ka hor howlgallada militari ayaa waxaa dhaleeceyn kala kulmay QM iyo kooxaha bini’aadantinimada, kuwaasoo marar badan sheegay in aysan jirin meel ammaan ah oo ku taal deegaankaas oo ay dadku u qaxi karaan.

Weerar ay Israa’iil ku qaado Rafah “waxa ay la macno noqon doontaa silic iyo dhimasho badan oo rayid ah”, cawaaqib xumada ka dhalan doontana waxa ay dhibaato u geysan doontaa 1.4 milyan oo qof, ayay UNRWA ku sheegtay bayaankeeda.

Aagga cusub ee la ballaariyay ee Al-Mawasi halkaas oo millatariga Israa’iil ay ku amreen kumanaan qof oo ka yimid bariga Rafah inay u guuraan – “ma ahan “mid ku habboon” degaan sida uu sheegay Agaasimaha arrimaha UNRWA ee Gaza Scott Anderson.

Isagoo ka hadlayay Rafah, Anderson wuxuu ku tilmaamay xeebta, dhinaca galbeed ee Gaza inay tahay “meel bacaad ah

“Runtii maaha meel ku habboon in dadku teendhooyin ka dhistaan ​​oo ay awoodaan inay fariistaan ​​oo ay isku dayaan inay ku noolaadaan oo ay la kulmaan baahiyahooda aasaasiga ah maalin kasta,” ayuu yiri.

Afhayeenka milatariga Israel Nadav Shoshani ayaa sheegay aagga “bini’aadantinimada” ee Al-Mawasi, oo ah magaalo xeebeed galbeedka Khan Younis ku taalla inay jiraan cisbitaalo, teendhooyin, cuntooyin, biyo, daawooyin iyo sahay dheeraad ah”

Sawirro laga soo qaaday bariga Rafah ayaa muujinaya dadka oo alaabtooda urursanaya oo ku daad guraynaya baabuur iyo baqallo ka dib markii milatariga Israa’iil ay u sheegeen dadka rayidka ah ee halkaas ku sugan inay “si degdeg ah uga guuraan.”

Amarka ayaa imaanaya maalin kadib markii wasiirka difaaca ee dalkaasi uu u sheegay ciidamada ku sugan Qaza in ay filayaan “tallaabo adag” oo ka dhici doona magaalada “mustaqbalka dhow”. Daad-gureynta hadda waxay saamaysaa ilaa 100,000 oo qof.

- Advertisement -