Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Ku-simaha Raisul Wasaaraha oo furay shir lagu qiimaynayo Mashruuca SAGAL

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XJFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta daahfuray Shirka U Qareemidda Daryeelka Bulshada ee Mashruuca SAGAL oo maanta ka furmay Muqdisho.

Shirkan oo socon doona muddo labo maalin ah waxa lagu soo gudbiyey qiimeyn ku saabsan mashuurca SAGAL oo ah mashruuc Dowladdu hormuud ka tahay, oo laga hirgeliyey dhammaan dowlad gobolleedyada dalka, laguna caawinayo dadka nugul.

Ku-simah Ra’iisul Wasaaraha oo bogaadiyay  mashruuca, wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo deeq-bixiyayaasha taageera mashruuca ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’antahay in miisaaniyadda qeyb ka siiso arrimaha bulshada si loo dardar geliyo kobaca bulshada iyo horumarka dalka.

Related posts

Hal bilyan oo Dollar oo loo soo waday Dalal kuyaalla Qaarada Afrika oo la qabtay

Cabdi Cade

Iska hor imaad khasaaro geestay ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo magaca ka bedelay mid kamid ah Wasaaradaha Xukuumadda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---