MUQDISHO: Ciidanka NISA oo dil iyo dhaawac u geystay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa sheegay iney fashiliyeen isku day dil oo labo nin oo ka tirsan al shabaab ka fulin rabeen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa sheegay iney heleen xogta labada nin oo bastoolado ku hubeysnaa, kadibna waxaa lagu sameeyey dabagal inta aysan gaarin bartilmaameedkoodii.

“Israsaaseyn kooban ka dib waxaa halkaas lagu dilay mid ka mid ah dhagarqabayaashii, iyadoo kii kale nolosha lagu qabtay, isagoo dhaawac ah” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka

Ciidamada NISA ayaa soo bandhigay meydka dhagarqabaha la dilay, dhaawaca kan nolosha lagu hayo iyo labo bistooladood oo ay ku hubeysnaayeen, isla markaana ay qorsheynayeen inay dil ku geystaan.

Sida uu sheegay ninka la qabtay wuxuu qorshohoodu ahaa iney masaajid ku yaalla xaafada Macalin Nuur ee degmada Dharkeynley ku dilaan sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada.

- Advertisement -