Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo wafdi la socday oo si weyn loogu soo dhaweeyay Nairobi (Sawirro)

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen, Wasiirka Arrimaha Dibedda kenya Musalia Mudavadi, Wasiirka Difaac Kenya Aadan Barre Ducaale ,Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi , xubno ka tirsan Dowladda Kenya iyo Safiirka Soomaaliya ee kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, Socdaalka ,amniga gaar ahaan la dagaalanka khawaarijta, dalxiiska, caafimaadka, iyo waxbarashada

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa inta uu joogo Kenya waxa uu la kulmi doonaa Madaxda Kenya iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, isaga oo la wadaagaya fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, qorshaha dowlad dhiska, la dagaallanka khawaarijta iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Related posts

Wasiir katirsan Koonfur Galbeed oo Kursi Xildhibaan loogu doortay Kismaayo

Cabdi Cade

Ilaalada Madaxweyne Afrikaan ah oo maaro looga waayey cunista Maandooriyaha Qaadka

Caydiid Ali

Nin farsamo cajiib ah ku raaci jiray Diyaaradaha oo fashilmay lana qabtay ! (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---