Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ilaalada Madaxweyne Afrikaan ah oo maaro looga waayey cunista Maandooriyaha Qaadka

Sida ay shaaciyeen saddexda wargeys ee ugu waaweyn Kenya oo kala ah Daily Nation, The Star iyo Standard, Ciidanka ilaalada u ah madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa laga mamnuucay inay cunaan Qaadka

Amarkan waxaa soo saaray taliyaha ciidanka ilaalada Madaxweynaha, George Kirera, oo sheegay in cunista qaadka aysan askarta ilaalada Madaxweynaha caafimaadkooda kaliya waxyeello ku ahayn balse ay dhibaateyneyso qoysaskooda.

“Ogsoonaada in la fahmay halis caafimaad oo ay cunista jaadka u keeneyso astarta ilaalada u ah madaxtooyada iyo qoysaskoodaba.” ayuu yiri George Kirera.

Amarkan wuxuu dhaqan galayaa laga billaabo 6-da bishan July, 2020-ka, markaas wixii ka dambeeyana ma jiri doono askari ka tirsan ilaalada madaxweynaha iyo qof madaxtooyada ku sugan ama agagaarkeeda daggan oo loo oggolaan doono inuu Qaad cuno.

Askarigii u hoggaansami waaya amarkan ayaa wajihi doona ganaax adag oo ka imaanaya dhinaca maamulka inkastoo aan la shaacin inta uu le’eg yahay, Waxaa laga dhur sugayaa sida ay ciidamada gaarka u ah madaxweyne Kenyatta u joojin doonaan Qaadka ay cunistiisa la qabsadeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo fara badan oo caawa lagu daadiyey degmooyin ka tirsan Muqdisho

Caydiid Ali

Aadan Madoobe oo ka qeyb galay shirka Baarlamanada Carabta (Sawirro)

Caydiid Ali

Malala Yuusuf oo ka qalin jabisay Jaamacad Dunida Caan ka ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---