Nin farsamo cajiib ah ku raaci jiray Diyaaradaha oo fashilmay lana qabtay ! (Daawo Sawirro)

Nin u dhasha dalka Hindiya oo lagu magacaabo Rajan Mahbubani, ayaa qaab layaab leh u raaci jiray diyaaradaha isaga oo iska dhigi jiray in uu kamid yahay duuliyaasha shirkada diyaaradaha ee Lufthansa.

Rajan Mahbubani, oo 48-sano jir ah ayaa xiran jiray dareeska duuliyayaasha diyaaradaha ee Lufthansa si uu u khaldo shaqaalaha garoomada, waxaana ninkan loo muujin jiray ixtiraam marka uu garoonka soo galo.

Ninkan ayaana isaga oon la baarin garoonka si toos ah usoo gali jiray waxa uuna ku safri jiray diyaaradii uu doono, hasa ahaatee ugu dambeyn ninkan ayaa ku fashilmay farsamadiisa waxaana gacanta ku dhigay ciidamada booliiska.

Rajan Mahbubani, ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada New Delhi xili uu doonayay in uu ku safro diyaarada AirAsia, waxaana ninkan fashiliyay shaqaale kamid ah shirkadda Lufthansa oo ka shakiyay kadibna booliiska ku wargaliyay.

Baaritaan ay booliiska ku sameeyeen ninkan ayey ku heleen kaarar aqoonsi oo been abuur ah uu u adeegsan jiray in uu ku galo garoomada diyaaradaha, waxaa sidoo kale telfoonka ninkan laga helay muuqaalo uu iska duubay isaga oo iska dhigaya duuliye.

“Mahbubani waxaa uu sheegay in marwalba uu raaci jiray diyaaradaha isagoo xiran dareyska duuliyeyaasha, sidaas na uu uga gudbi jira albaabada la isku baaro, mudnaan gaar ahna la siin jiray,” ayuu yiri taliye kuxigeenka booliiska garoonka New Delhi.

Warbaahinta dalka Hindiya qaarkood ayaa sheegay in ninkan kaartada cajiibka ah uga gudbi jiray garoomada laga yaabo in uu gudbin jiray alaabo laga yaabo hadii la baaro in lagu qaban lahaa.

Ninkan kaaratdaa cajiibka ah la yimid ayaa hadii dambiga loo heesto lagu heli laga yaabaa in lagu rido xukun xabsi ah iyo ganaax lacageed, ninkan ayaana lagu eedeeyay dembiyo ay ka mid yihiin khiyaano iyo in uu iska dhigay wax uusan ahayn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -