Ismail Haniyeh oo Shuruudo adag ku xiray heshiis xabbad-joojin ah ay la galaan Israel

Waxaa marar badan fashilmay heshiisyo xabbad-joojin ah oo la doonayay in la dhax dhigo xooggaga jihaadiga ah ee Xamaas iyo ciidamada maamulka Isreal ee duullaanka ku qaaday magaalada Gaza ee dhulka Falastiin.

Wadahadalo ay garwadeem ka yihiin Qatar iyo Masar oo la doonayo in heshiis xabbad-joojin ah lagu gaaro ayaa mar kale fashilmay, waxaana labada dhinac ee Xamaas iyo Israel midbo kan kale ku eedeeyeen fashilka heshiiska la doonayay ku yimid.

Hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa sheegay in kooxda Xamaas iyo kooxaha kale ee dagaalka ku wehliya ay doonayaan in la gaaro heshiis xabbad-joojin dhamaystiran oo soo afjaraysa duullaanka gardarada ah ee Israel kusoo qaaday Falastiin.

Waxa uu xusay Haniyeh ay doonayaan heshiis dammaanad qaadaya ka bixitaanka ciidanka Israel ee Gaza, isaga oo dhankooda xusay in ay sii deenayaan  ku dhawaad 100 la haystayaal Israa’iiliyiin ah, ayna ku bedelanayaan boqolaal kale oo Falastiiniyiin ah.

Hoggaamiyaha ururka Xamaas ayaana ku eedeeyay Ra’isul Wasaaraha Isreal Benjamin Netanyahu in masuul ka yahay sii socoshada dagaalka dhiigga badan ku daadanayo iyo fashilinta dedaalada lagu doonayo in lagu gaaro heshiis xabbad-joojin ah.

Dagaalka u dhaxeeya ururka Xamaas iyo ciidamada Israel ayaa socda muddo ka badan 7-bilood, dagaalkan socda ayaana galaaftay nolosha kumanaan kun oo shacab reer Falastiin oon waxba galabsan, halka lagu bur buriyay magaaladii quruxda badneed ee Gaza.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -