Cabsi lasoo daristay Soomaalida kunool Dalka UK kadib dilkii Xildhibaan David Amess

Soomaalida kunool dalka UK ayaa waxaa lasoo darsay cabsi xoogan oo ka dhalatay dilka Wiil Soomaali ah u geestay Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka UK oo lagu magacaabayay David Amess.

Jaaliyadad Soomaaliyeed ee UK ku dhaqan ayaa qaarkood la kulmay fariimo hanjabaadyo ah oo uga imaanayay dadka u dhashay dalkaasi oo ka careesan dilka Wiilka Soomaaliga ah u geestay Xildhibaanka katirsanaa Baarlamaanka UK.

Soomaalida kunool dalka UK gaar ahaan magaalada London iyo deegaanada ku dhaw dhaw ayaa sidoo kale cabsi qaba in ay waxyeelo kala kulmaan ciidamada booliiska sidoo kale su’aalo laga weediiyo weeerarkan.

Hogaamiyaasha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay is dejiyaan, waxa ayna u bilaabeen wacyi gelin la xariirta hadii ay booliiska la kulmaan sidii ay ula macaamili lahaayeen.

Wiil asalkiisu Soomaali yahay balse heesta dhalashada dalka UK ayaa jimcihii toorey ku dilay Xildhibaan David Amess oo katirsanaa Baarlamaanka UK, falkan ayaana abuuray caro xoogan oo ka dhalatay gudaha UK.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -