Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ahlu Sunna oo kahor timid Sharuudo ay soo saareen Guddiga Doorashada Galmudug (Akhriso)

War saxaafadeed kasoo baxay hogaanka Ahlu Sunna ayaa looga hor yimid Sharuudaha laga doonayo Xildhibaanada kamid  noqonaya Baarlamaanka cusub Galmudug oo ay soo saareen Guddiga Dooarshada iyo Maamul u sameynta Galmudug.

Ahlu Sunna ayaa sheegtay in ay u madax banaan yihiin 20-ka Xildhibaan ee laga siiyay Baarlamaanka Galmudug ayna soo dhameestireen, waxa ayna Ahlu Sunna sheegtay in aysan quseyn shuruudaha ay guddiga doorashooyinka soo saareen.

Waxa ay sheegtay kooxda Ahlu Sunna in heshiiska ay la gashay dowlada federaalka ayna goob joog ka aheyd Beesha Caalamka ku cadahay in iyagu u madax banaan yihiin Xildhibaanada 20-ka ah ee laga siiyay Baarlamaanka Galmudug.

Halkan ka AKhriso Qoraalka Ahlu Sunna soo saareen

 

Related posts

Rag caawa weeraray xarunta Wasaarada Gaashaandhiga DF oo gacanta lagu dhigay

Caydiid Ali

Xarumaha Musharaxiinta oo caawa aan laga seexan doonin iyo kulamo adag oo socda

Caydiid Ali

Madaxweye Xasan oo casuumad rasmi ah u diray Madaxda dowlad goboleedyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---