Maraakiibta Dagaalka ee Ciidamada Turkiga oo looga digay in ay tagaan Xeebaha Somaliland 

Maamulka Somaliland ayaa si adag uga hadlay heshiiskii dhinaca ilaalinta xeebaha Soomaaliya ay dhawaan gaareen dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga , kaa oo ciidamada Turkiga u ogolaanaya in ay ilaaliyaan xeebaha dalkeenna.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa sheegay in uusan quseyn heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga, waxa uuna sheegay in Turkiga ogyihiin in Somaliland yahay dal ka madax bannaan Soomaaliya.

Waxa uuna wasiirka Ciise Keyd uga digay maraakiibta dagaalka ay wataan ciidamada badda Turkiga in ay yimaadaan xeebaha Somaliland, waxa uuna xusay in heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga uusan ku heyn wax werwer ah.

“Turkiga waan u sheegnay in aanay xeebaha Somaliland soo gali karin, waana ogyahay in Somaliland xeebaheeda u taliso – Soomaaliyana ayna u talin. Wax haba yaraatee aanu warwar ka qabnana ma jiro” ayuu yiri wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalilnad ayaa sheegay in ay hadda socdaan dhameystirka heshiiskii ay la gaareen Itoobiya, waxa uuna xusay in heshiiskaasi uusan wax dhibaato ah keeneen ayna u arkaan mid iyaga dan badan ugu jirto.

Dowladda Soomaaliya oo ka carootay heshiiska Somaliland la gashay Itoobiya ayaa dhankeeda heshiis la gashay dowladda Turkiga, taa oo ciidamada badda Turkiga u ogolaanaya in muddo toban sanno ah ilaaliyaan biyaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -