Xamaas oo weerar ku dishay Askar badan oo Israel ah iyo fashil ku yimid Wadahadalo socday

Ururka Xamaas ee dagaalka adag kula jira ciidamada Israel ayaa qaaday weerar uu khasaaro xooggan kasoo gaaray askarta Israel, ee weerarka gardarada ah ku qaaday qeybo kamid ah dhulka Falastiin.

Kooxda Xamaas ayaa gantaalo culus ku weerartay goob ay ku sugnaayeen askar katirsan ciidanka Isreal, waxaana weerarkaasi khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray milatariga Isreal.

Inta la xaqiijiyay saddex askari oo katirsanaa ciidanka Isreal ayaa lagu dilay weerarka gantaalada loo adeegsaday, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay tiro badan oo katirsan ciidamada Isreal ,kuwaa oo qaarkood la sheegay in halis ku jiraan.

Ciidamada Isreal ayaana weerarka kaddib si deg deg ah u xiray marinka Kerem Shalom ee magaalada Qasa, aagaas ayeyna sheegeen milatariga Isreal in laga soo qaaday weerarka askarta looga dilay.

Marinka ay ciidamada Israel xireen ayaa ka mid ah waddooyinka yar ee la marsiiyo gargaarka bini’aadantinimo, oo ay ku jiraan cunno iyo sahayda caafimaadka, ee dadka Qasa loogu tala galay.

Weerarkan lagu dilay askarta Isreal ayaa kusoo aadaya xilli uu fashilmay wadahadalo ay garwadeen ka haaayeen Qatar iyo Masar oo lagu doonayay xabbad-joojin, labada dhinac Israel iyo Xamaas ayaana midba kan kale ku eedeeyay fashilka wadahadalada .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -