Booliska Jubbaland oo duleedka Kismaayo ka fuliyey howlgal lagu soo qabtay.. (Sawirro)

Ciidamada Booliska Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay, tuulooyinka Madiina, Subaan Salaamo, Fuumo, Jiroole, Dabarka iyo Ngumi oo 78 km ujira magaalada Kismaayo.

Howlgalkan oo ahaa mid si wayn la isugu dubariday ayaa lagu soo qabqabtay rag lagu eedeeyay burcad badeednimo kuwaas oo amniga xeebahaasi liddi ku ahaa.

Howlgalkan oo dhacay saqdii dhexe ee xalay ilaa saaka waaberigiina soo gaaray ayaa waxaa hogaaminayey Taliyaha Qeybta Booliska Jubbada Hoose, Gaashaanle Sare Sadik Mohamud Dhogor iyadoo uu qayb ka ahaa  Gudoomiyaha Degmada Kismaayo, ahna Duqa magaalada, Mudane Cumar Cabdullahi Maxamed (Faraweyne)

Eedeysanayaashan ayay xeer ilaalintu maxkamadda horgeyn doontaa iyadoo lagu soo oogi doono eedeymo ka dhan ah amniga guud iyo kan gooshidda xeebaha dalkeena.

- Advertisement -