Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Labo qarax oo ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Labo Qarax ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasoo qaarkood geystay khasaare nafeed.

Qaraxa hore ayaa ahaa mid gaari lagu soo xiray ayaa ka dhacay agagaarka Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan ka dib markii gaari uu watay nabadoon lagu magacaabo Muxidiin Bagaase uu si lama filaan ah u qarxay.

Nabadoonka ayaa ka badbaaday qaraxaas, waxaana soo gaaray dhaawacyo fudud, iyadoo gaariga qarxay oo ahaa nooca yaryar ee raaxada ay ka muuqdeen burbur kooban oo dhinaca hore ah, waxaana qaraxa kadib  halkaasi gaaray ciidamada amniga magaalada Muqdisho.

Qaraxa labaad ayaa wax yar ka hor xiligii salaada maqrib ka dhacay degmada Yaaqshiid, markii bam gacmeed lagu tuuray xarunta Maamulka degmadaas.

Ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxaas, kuwaasoo ka mid ahaa dad ku sugnaa gudaha degmada Yaaqshiid oo sidoo kale ay joogeen xiligaas, xubno ka tirsan maamulka degmada, waxaana baxsaday qofkii geystay weerarkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Jeneraal sheegay inuu tartan doorasho la galayo aabihii oo Madaxweyne ah

Caydiid Ali

Dhowr gantaal oo caawa lagu weeraray Magaalada Najran ee dalka Saudia Arabia

Caydiid Ali

Shirkada Samsung oo xafiis toos ah ka furatay Somalia gaar ahaan Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---