Golaha Wasiiradda oo ansixiyay heshiis iskaashi oo u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ansixiyey Heshiis Iskaashi ee u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiska Garsoorka ee ay gaareen Soomaaliya iyo Turkiga oo ka kooban afar qeybood ayaa diiradda saaraya dhinacyada kala ah; iskaashi, Gargaarsi sharciyeed, Dhiibid eedeysanayaal ama dembiileyaal iyo Wareejin Shakhsiyaad xukuman oo xabsi ku jira.

Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee dalka iyo howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah looga dhagaystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Golaha wasiiradda Soomaaluta ayaa sidoo kale ansixiyey Heshiiska Iskaashiga ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Baakistaan.

- Advertisement -