Nin ka qeyb galay 238 doorasho oon weligii hal mar aan guuleysan markalana tartamaya !

K. Padmarajan waxaa loogu yeeraa Boqorka Doorashada iyo Guul-darreystaha ugu weyn taariikhda casriga ah ee tartamada doorashooyinka. Ku dhawaad  238 jeer oo uu ka qeybgalayay doorashooyin, mar kaliya ma guuleysan!

Sheekada K. Padmarajan waa mid fiiro gaar ah u baahan. 65 jirkan dayac-tirka gaadiidka ku xeeldheer kana soo jeeda Gobalka Tamil Nadu ee dalka Hindiya, wuxuu 30-kii sannadood ee lasoo dhaafay ka qeyb galay in ka badan 100 doorashooyin ah. Wuxuuna ku bixiyay adduun lacageed oo aad u tiro badan is diiwaangelinta iyo lacagaha kale ee socotada ah. Markii ugu dhawayd oo uu heer muuqda soo gaaro waxay ahayd sannadkii 2011 wuxuuna helay 6,273. Farqi weyn ayaase xattaa berigaas u dhaxeeyey isaga iyo midkii guuleystay oo helay 75,000 oo codad ah. Balse waxay ugu yeeraan gelisay rejo iyo yididiilo cusub oo ah in maalin maalmaha kamid ah uu guuleysan doono.

Maalintaas waa mid uu ilaa hadda sugayo. Balse Padmarajan wuxuu dhawaan waraysi ku sheegay in ku guuleysiga doorasho aysan isaga u ahayn hadafkiisa koowaad. Dhabar-adeyga iyo aqbalidda guul-darrida ayuu yiri waxay fure u yihiin horyaalnimadayda – oo cid kula tartami kartaa aysan jirin!

“Dhammaan tartamayaashu waxay raadiyaan guusha oo keliya – aniguse kama mid ihi,” ayuu yiri 65 jirkan. Kaftanna kama ahan ee waa ka dhab! 238 doorasho oo uu ku guuldarreystay kaddib, wuxuu markii 239 doonayaa inuu nasiibkiisa tijaabiyo oo uu tartamo!

Sannadkii 1998 ayay sheekadiisu soo bilaabatay oo uu xilka degmadiisa Mettur isku soo sharraxay! Wuu ogaa inaysan fursad badan u jirin, wuxuuse rabay inuu dunida tuso sida qofka caadiga ahi uu mar kaliya ugu dhici karo inuu haweysto meelaha sarsare.

Waxaa ka guuleystay dad caan ah oo Ra’iisalwasaarayaasha Hindiya kamid ah sida; Narendra Modi, Atal Bihari Vajpayee iyo Manmohan Singh.

Hadda wuxuu khudbado la xiriira sida loogu dhabar-adeygo guusha u jeediyaa ardayda jaamacadaha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -