Deni oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka & khilaafka DF iyo Axmed Madoobe

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Denni oo xalay khudbad ka jeediyay xarunta hay’adda PDCR ayaa ka hadlay doorshada soo socota ee Soomaaliya ee sanadka 2021 iyo xaalada dalka.

Deni ayaa dowlada dhexe ku eedeeyay inay sameynayso sharciyo doorasho oo aan lagala tashan dowlad goboleedyada ka jira dalka, isagoo ku baaqay in arintaasi laga hortago.

Dhibaatooyinka ka jira Somalia ayuu si gaar ah uga hadlay, isagoo sheegay in Puntland ay aasaaseen shacabka iyo waxgaradku si ay horumar u gaaraan inta laga helayo dowladd dalka oo dhan wada hanata.

Deni ayaa ayaa si gaar ah u dul istaagay waxa uu kala socdo arimaha doorashooyinka dalka.

“Doorashada federaalka diyaar garowga ugu badan waxaa laga rabaa Puntland ma ahan in laga rabo dowladda federaalka oo kaliya, mana jirto nidaam gaar ah oo aan hada leenahay waa inay ku dhacdaa doorashadu, sida madaxda qaar oo lahaa waa lagama maarmaan inay noqoto 4.5, anagu waxaan leenahay mudada yar ee aan heysano aan ka wada tashano sidii ay wax noogu hagaagi lahaayeen”. ayuu yiri Deni.

Mar uu ka hadlayey nooca doorashoee dalka ka dhici karta xiliga kala guurka sanadka 2021 ayuu yiri “”Labo aragtiyadood ayaa xoog u socota, aragtidaas mid waa tii Kacaankii u ekeyd oo Liis xiran ah Xamar ama Xudur ha joogo hal meel ayaa lagu wada ridayaa, hal deegaan doorasho ah, aad baan beryahan u maqleynaa oo ah mida dowladda ay riixeyso, xogta sida aan ku maqlayo dadka barnaamijkaas wada waa kaadiriinta Kacaankii barakeysnaa, waxaa kaloo dowladda ay leedahay maalmahan Xisbi weyn oo weyn ayaa fureynaa, malaha Xisbigaas waxaa u qaatay waa Kii Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed”

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland, waxaana uu sheegay in safar uu ku imaan lahaa Muqdisho uu ka baaqday, kadib markii uu arkay in wasiir Beyle uu tagay magaalada Kismaayo.

“Puntland way jiraysaa, wax kasta oo ka hor imaanaya shuruucda dalka iyo sida dadku ku heshiiyeyna ma noqon doonto wax ay Puntland aqbasho, sidii horayba uu mowqifkeedu u caddaa. Waxan u baahan nahay wadahadal rasmi ah oo daah furan, waxan u baahan nahay dalku in uu ka baxo is jiid-jiidka”.ayuu yiri Saciid deni

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -