Meydadka dad ka badan 70-Qof oo la geeyay Hal Isbitaal oo kuyaala Muqdisho iyo Khasaaraha oo…

Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee la dhashay qaraxii xooganaa ee saakay ka dhacay Isgooska Ex-Coontarool Afgooye ayaa sii kordhaya , waxaana soo baxayay warar hor leh oo ku aadan khasaaraha ka dhashay qaraxa ismiidaaminta ah.

Dadka qaraxa ku dhintay ayaa lasoo sheegayaa in hada ku dhaw yihiin 100-qof oo halka dhaawacu intaa ka badan yahay , waxaana qaar kamid ah isbitaalada Muqdisho la geeyay dadkii ku dhaawacmay qaraxa iyo qaar kamid ah dadkii ku dhintay.

Agaasimaha isbitaalka Madiina Dr Mamaxed Yuusuf oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Isbitaalkooda la keenay meydadka dad gaaraya 73-qof iyo sido kale dhaawacyada dad ka badan yihiin 50-qof oo kale .

Waxa uu sheegay Agaasimaha in dadka dhaawacyada qaba ee Isbitaalka lasoo gaarsiiyay qaarkood ay qabaan dhaawacyo culus, waxa uuna xusay in dhaqaatiirta Isbitaalka wadaan dadaalo dadka dhaawacyada qaba lagu bad baadinayo.

Isbitaalo kale oo kuyaala magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale la geeyay dhaawacyada iyo  meydadka qaar kamid ah dadkii ku dhintay qaraxii saakay ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Tirada dadka ku dhintay qaraxa saakay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa hada ku dhaw 100-qof, waxaana suurto gal ah in ay kasii bataan inta hada la ogyahay, waxaana saacad kasta soo baxaya warar hor leh oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay qaraxan.

Dowlada Soonaaliya ayaan wali shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa saakay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana masuuliyiin katirsan dowlada sheegeen in ay socdaan tirakoob ayna dib ka shaacin doonaan khasaaraha rasmiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -