Cabsi lasoo daristay Iskuullada magaalada Delhi kaddib farriimo cabsi gelin ah oo loo diray

Iskuulo badan oo kuyaalla magaalada New Delhi ee caasimadda dalka Hindiya iyo deegaanno kale ayaa shalay deg deg loo xiray, kaddib markii iskuuladaasi loo diray farriimo cabsi gelin ah .

Ku dhawaad 100-iskuul ayaa ardaydii dhiganeysay lagu wargaliyay in aysan imaan, waxaana howlgalo deg deg ah bilaabay ciidamada ammaanka dalka Hindiya, gaar ahaan kuwa kahor taga qaraxyada.

Ciwaanada Email ee iskuulo badan oo kuyaalla magaalada New Delhi ayaa loo diray farriimo loogu hanjabayo, waxa ayna taasi walaac xooggan iyo cabsi badan ku abuurtay maamulayaasha iskuulada.

Iskuulada farriimaha cabsi gelinta loo diray ayaana laga saaray ardaydii iyo dadkii kale ee ku sugnaa, waxaana lagu sameeyay baaritaano, lamana sheegin wax qaraxyo ama wax kale oo dhibaato abuuri kara oo laga helay iskuulada.

Laamaha amniga Hindiya ayaa sidoo kale sheegeen in digniino kale oo cabsi gelin ah labo maalin ka hor loo diray garoomada diyaaradaha , isbitaalada iyo xarumo kale oo kuyaalla magaalada Delhi, kuwaa oo loo sheegay in la qarxinayo.

Baaritaano hordhac ah ay booliiska dalka Hindiya sameeyeen ayaana lagu sheegay in dadka soo diray fariimaha hanjabaada iyo cabsi gelinta ah ay adeegsadeen khadka interetka ee dalka Ruushka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -