Talyaaniga, Somalia & heyadda UNDP oo heshiis 3 geesood ah kala saxiixday (Sawirro)

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa maanta ku saxiixay Muqdisho ka “marqaati” ahaan heshiis ku saabsan qaab maamulka u dhexeeya Dowladda Talyaaniga iyo Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobey (UNDP), iyadoo Talyaanigu ku deeqay labo milyan oo Euro oo taageero maaliyadeed ah Sanduuqa Qaramada Midoobey ee bah-wadaagta kala duwan (UN MPTF) ee Soomaaliya.

Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale dhinacooda ka saxiixay Safiirka Jamhuuriyadda Talyaaniga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Alberto Vecchi, Wakiilka Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobey (UNDP) ee Soomaaliya, Mudane Jocely Mason, iyo Agaasimaha Wakaaladda Iskaashiga Talyaaniga, Mudane Guglielmo Giordano.

Heshiiskan ayaa waxa uu ka qeyb yahay “Sanduuqa Qaramada Midoobey ee bah-wadaagta kala duwan (UN MPTF) ee Soomaaliya”. Soomaaliya iyo UN MPTF waa kuwa isla dhammaystira si is-oggol ah oo jaan-qaadid leh waxyaabaha la taabbagelinayo , iyadoo loo marayo Xarunta Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF), oo ay kala maamulayaan Bankiga Adduunka iyo Bankiga Horumarinta Afrika.

Sanduuqa Qaramada Midoobey ee bah-wadaagta kala duwan (UN MPTF) ee Soomaaliya waxaa loo dejiyay inuu shaqeeyo muddo 10 sano, oo ka bilaabantay 2014, socon doontana illaa iyo December, 2024.

Saxiixa heshiiskani ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xaamud Cali Xasan, Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdiladiif Maxamuud Cali iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -