Sheekh Mowlana Maxamed Mahir oo lagu dhax dilay Masjid kaddib markii bud lagu garaacay

Masaajid kuyaalla magaalada Rajasthan ee gobalka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya ayaa lagu dhax dilay Sheekh dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Mowlana Maxamed Mahir , kaddib weerar lagu soo qaaday .

Saddex nin oo budad ku hubeysnaa ayaa gudaha Masaajidka Mohamadi Madina ku dhax garaacay kuna dhax dilay Mowlaanaa Maxamed Mahir oo 30-sanno jir ahaa, waxaana goobta ka baxdaday raggii dilka geestay.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in saddex nin oo budad watay gudaha masjidka si xun ugu dhax dileen Mowlana Maxamed , waxaana la sheegay in ragaasi ahaayeen burcad ayna telfoon ka qaateen wadaadka ay dileen.

Booliska waxay xuseen inay burcadda u adeegsadeen dilkaasi 2 bud oo laga helay meel ku dhow Masjidka, iyadoo ay booliska dib-u-eegis ku hayaan muuqaalada ay duubeen kaamerooyinka qarsoon ee CCTV Footage.

Ehelada marxuumka la dilay ayaana booliiska la wadaagay magacyada saddex nin oo lagu tuhmayo in ay dilka ka dambeeyeen, waxa ayna booliiska xuseen in ay baarayaan ayna soo qabanayaan dadkii dilkaasi ka dambeeyay.

Sheekh Mowlana Maxamed Mahir waxa uu masjidka lagu dhax dilay ku lahaa Madarasa ay arday ku bartaan cilmiga diinta Islaamka, waxaana dilkiisa si weyn uga naxay dadkii degnaa magaalada uu kunoolaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -