Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo hab cusub kula wareegeysa Masuuliydda soo saarista Sugnaanta Cuntada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan gaara kaasi oo looga hadlaayey hannaanka sugidda badqabka cuntada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dhageystay warbixin ku saabsan hab cusub oo ay dowladda Soomaaliya kula wareegeyso mas’uuliyadda soo saarista warbixinnada sugnaanta cunnada.

Mudane Xamsa ayaa ku tilmaamay ahmiyada ay leedahay in dowladdu yeelato awoodda soo saarista warbixinnada sugnaanta cunnada, iyadoo la fulinayo heshiiskii ay dowladu la gashay Hay’adaha caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa si joogta ah loo keenaa cunto aan sugneyn oo qaarkood dhaceen, waxaana xusid mudan in cuntadaasi iyo daawooyinka dhacay si fudud loogu iib geeyo suuqyada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga doorashada oo Digniin adag u diray xubno katirsan FEIT oo Garbahaarey tagay

Cabdi Cade

Xaafad dadka kunool 50% yihiin Youtube-ley iyo Sababaha cajiibka ah ee ku kalifay!

Cabdi Cade

Galmudug oo si adag uga jawaabtay hadal kasoo yeeray Ilhan Cumar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---