“Farmaajo Wadaniyada wuxuu u yaqaan Keli-talisnimada uu ka dhaxlay adeerkiis” Sidaa waxaa yiri..

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa burburiyey waa keli-talisnimadii Gen. Maxamed Siyaad Barre oo uu sida shaqsiga ah u adeegsanayey ciidanka ee ma aysan ahayn qabyaalad ku soo duushey Ciidanka.

Markii la weydiiyey Kelitaliyaha wakhtiga ay doorasho dadweyne ka dhaceyso dalka oo madaxweyne rayida lagu soo dooranayo, ayaa waxey jawaabtiisu ahayd dalku madaxweyne dooran oo aan tuute Ciidan ku labisneyn waa leeyahay, waana taas meesha uu u socdo Farmaajo, haddiiba uu kugu jiro dareen garasho.

Farmaajo waa kelitalis isdoortay aaminsana inuusan dalkaan u baahneyn inuu galo doorasho, waxaana arrintaas muujinaya inuusan xataa hal kelimo oo doorasho ku saabsan uusan u sheegin ciidanka uu leeyahay waa ciidan qaran. Wuxuusan soo hadal qaadin ciidamadii uu u adeegsadey daadinta dhiiga shacabka si uu ugu fulsado maslaxadiisa siyaasadeed ee ku dhisneyd damaciisa shaqsiyadeed, kuwaas oo si kelitalisnimo loogu fuliyey Muqdisho, Dhuusamareeb, Baydhabo, iyo guud ahaan gobolka Gedo.

Farmaajo wadaniyada wuxuu u yaqaanaa Kelitalisnimada uu ka dhaxlay adeerkiis Gen. Siyaad, sidaas si la midana qabyaaladda wuxuu u yaqaanaa dimoqaraadiyada looga soo horjeedo xuquuq iyo xoriyad la’aanta diktatooriyadda. Farmaajo kama uusan xishoon qiimaha daacadnimada oo ay leedahay wadaniyadda, Soomaalinimada, iyo Islaanimada.

Xitaa iyadoo lagu jiro bisha barakeysan ayuu ka dhowrsan waayey mujrinimo uu isugu soofeynayo ciidanka oo isaga soo horjeeda kuwo taageeraya kelitalisnimadiisa uu ku doonayo inuu xukunka weligiis xoog ku haysto iyo kuwo ka soo horjeeda oo taageersan dimoqaraadiyada rayidka oo raacsan in dalka ay ka dhacdo doorasho xukunka si nabada la isugu wareejiyo.

Soomaaliya qurunka qabyaaladda iyo musuq maasuqa lagu boobayo hantida iyo awooda qaranka waxey sharteedu ka soo maaxataa kelitalisnimada, waana mida uu doonayo Farmaajo inuu ciidanka XDS ku kala qeybiyo oo uu labadaas ku waxyeeleyntooda uu u adeegsado.

Halkudhegii Gen. Siyaad ayaa ahaa waxaan la dagaalameynaa qabyaaladda iyo musuq maasuqa, cid walbana waxey ogaatey in labadaas isticmaalkooda uu u adeegsadey in dalka diktatooriyad ugu xukumo, Farmaajana Gabalkiisa oo dhacay ayuu halkudheg wadkiisii mar hore uu galay ayuu cimri dheereysi ka raadsanayaa. Laakiin waxey tahay inuu shacabku isweydiiyo xanuunka Farmaajo haya iyo waxa xiga oo uu soo wado!!!

W/Q: Prof. Saciid Ciise MaxamuudĀ 
Guddoomiyaha xisbiga Dadka ahnaĀ 
Musharax Madaxweynaha Somalia

- Advertisement -