Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay Shirka Madaxda Afrika Bangiga Adduunka (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka ayaa soo bandhigay qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku saabsan maalgashiga iyo in mashaariicda la maal-geliyo loo weeciyo dhanka kaabeyaasha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta ganacsiga dalalka Qaaradda ay aas-aas u tahay qorsheyaasha kobcinta nolasha dadkeenna danyarta ah, cirib-tirka saboolnimada iyo xaqiijinta hiigsiga horumarka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

“Soomaaliya marka loo eego dhaawac soo gaaray dhaqaalaheeda iyo Hay’adaheeda dowladeed, maanta waxaa muuqanaysa in ay aad u soo kabatay oo ka soo gudubtay marxaladdii aadka u adkayd, iyadoo cagta saartay dhabbaha xasilloonida dhaqaale, horumar bulsho iyo mid ganacsi. Saas oo ay tahay waxaan sii wadnaa qorsheyaal lagu xaqiijanyo soo kabashadaas dhaqaale iyo dhiirri-gelintiisa”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boggaadiyay Madaxda Bangiga Adduunka dadaalka ay ku bixinayaan maalgelinta iyo awood-siinta dowladaha nugul, si xal waara loogu helo aafooyinka dib u dhigay nolasha shucuubta dalalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo galabta cashir loo dhigay Wasiirka Gaashaandhigga oo bogaadiyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo Garawe ka furay shirweyne sanadle ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Gudoomiye degmo oo ku baaqay in carabka laga jaro Ikraan tahliil hooyadeed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---