Maxaa ka jira in 24 saac gudahood ay boqol qof Muqdisho ugu geeriyootay COVID-19?

Waxaa sii koordhaya walaaca laga qabo xaalada Cudurka Coronavirus ee magaalada Muqdisho ka dib markii ay sii kordheen kiisaska cusub iyo dadka u dhimanaya cudurkan.

Sida ay aaminsan yihiin dad badan oo xog ogaal ah waxaa jira dad badan oo maalin walba cudurka ugu dhinta magaalada Muqdisho, iyagoo aan la baarin, iyadoo sidoo kale ay jiraan dad qaaday cudurka oo bulshada ku dhex jira iyagoo aan iska warqabina dad badan sii qaadsiin karay.

Wasaarada caafimaadka Somalia ayaa sheegtay in shacabka ku dhaqan magaalada Xamar iyo qeybaha kale dalka badankood ay ka dhega adeygayaan iney qaa

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo ah hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in ilo xog ogaal ah ay u xaqiijiyeen in dad badan 100 qof ay 24 saac gudahood lagu aasay qabuurayaal ku yaalla Muqdisho isagoo xusay inuu aaminsan yahay dadkaas badankood iney u dhinteen Covid-19 iyagoo aan iska warqabin, lana baarin.

Qoraal uu C/raxmaan C/shakuur so dhigay baraha bulshada ayaa u qornaa sidatan:-

Ilo Xog-ogaal ah ayaa ii xaqiijiyeen in ku dhowaad 100 ruux ay shalay iyo xalay magaalada Muqdisho ku geeriyoodeen. Dadka intooda badan waxay u dhinteen Fayriska (COVID-19). Sagaal ka mid dadkaas, oo aan qaarkood aqaano waxay ku geeriyoodeen Isbitaalka Martiini, ka dib markii ay korontadii ka tagtay, mashiinadii ogsijiinka siinayey na ay istaageen. Masuuliyad dari iyo tacadi ka wayn ma jiro in dawladu ay matoor kayd ah Cusbitalka gayn wayso.

Walaalayaal xaalada Karoona Fayris way ka sii daraysaa, dawlad dadka wax taraysana ma jirto ee isku tashada. Maadama awood lagula tacaalo Fayriska aysan jirin, intii la kari karayna laga gaabiyey, waxaa qasab ah in aan ku dadaalno ka hortagiisa oo aan qaadano talooyinka dhakhaatiirta. Waxaa na la ka doonayaa talo saarasho Eebe oo taxadar lagu daray.

Qabri-Qode Cali Maxamad wuxuu muuq baahiyaha Shabeele u sheegay in uu maalintii aaso mayd u dhexeeya 30 ilaa 40. Waa hal xabaalo oo ka mid xabaalaha Muqdisho. Walaalayaa taxadar la’aanta, is dhex daadsanaanta, inkiraada fayriska, qadarka Alle oo qalad loo fahamo waxay qayb ka yihiin faafitaanka Fayriska.

Dawladu waxay dayacday kaalinteedii, waxayna dadka ka qarisaa xaqiiqada tirada dadka dhimanaya iyo xaalada dhabta ee dalka ka jirta. Waa in aan dhamaanteen ka qayb qaadano wacyi gelinta. Warbaahintu waa in ay xaqiiqada dul istaagtaa, si ay dadku u helaan xog sugan, dawladana lagula xisaabtamo. Warbaahinta Shabeele way ku mahadsanyihiin sida ay isaga xilsaareen soo gudbinta xaqiiqada.

Talo saarasho Rabbi oo taxadar wehliyo, tilmaamaha dhakhaatiirta oo la raaco, is taakulayn iyo isku tashi ayaa loo baahan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -