Gudoomiye Madaale oo aqbalay qorshe lagu duminayo guryo ku yaalla Muqdisho

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mahamuud Moallim Abdulle ayaa kulan looga arrinsanayay xal u helidda caqabadaha soo laalaabtay ee Caasimidda, fududeynta howlaha gargaarka iyo u diyaar-garowga khatarta la saadaalinayo la yeeshay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Kulanka waxaa si weyn loogu gorfeeyay sidii loo hagaaji lahaa bullaacadaha iyo biyo mareennada magaalada ee musiibada ku noqday bulshada, si loo fududeeyo nolosha iyo isku-socodka.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa soo jeediyay in meesha laga saaro (la dumiyo) guryaha ka dul dhisan goobihii loogu tala galay in bullaacaduhu maraan taasoo uu si weyn u soo dhaweeyay Guddoomiyaha gobolka.

Dhanka kale, masuuliyiintu waxa ay isla meel dhigeen muhiimadda ay leedahay in meesha laga saaro dadka horjoogayaasha ka ah xarumaha barakacayaasha ee u dhaxeeya deeq-bixiyayaasha iyo dadka nugul ee kaalmada u baahan iyadoo la adeegsanayo hay’adaha amniga iyo garsoorka dalka, halka uu sidoo kale Guddoomiyaha SoDMA soo jeediyay sida loogu baahan yahay diyaar-garowga iyo u toog-haynta daadadka xooggan ee la saadaalinayo in ay caasimadda ka dhacaan.

 

- Advertisement -