Allbanaadir.com
NEWS

Nuqul ka mid ah Kitaabka Qur’aanka oo mar kale lagu gubay dalka Sweden

Telefishinka Turkish-ka ee A Haber Channel ayaa soo tebiyey in Ficil kale oo lagu gubay Nuqulka Kitaabka Qur’aanka Kariimka laga abaabulay gudaha dalka Sweden.

Haweeney ayaa la sheegay inay meel Fagaare ah ku gubtay Nuqulka Kitaabka Qur’aanka Kariimka, iyadoo ay Boliska Swedish ilaalo iyo Badbaadin Khaas ah siiyeen Haweeneydaasi.

Dhanka kale Telefishinka Swedish ee STV ayaa soo weriyey inay Boliska dalkaasi heleen Codsi kale oo lagu dalbaday Fal lagu gubayo Nuqulka Kitaabka Qur’aanka Kariimka bisha soo socota ee May 3-da.

Falalka Xadgudubka ee lagu gubayo Nuqulka Kitaabka Qur’aanka Kariimka ma aha mid ku cusub dalka Sweden,  iyadoo ay  horey Falkaasi u geysteen Siyaasiga Xag-jirka ee Rasmus Paludan ee haysta Dhalashada Swedish iyo Danish iyo Salwan Momika oo ah Qaxooti Iraqi.

Dowladda Sweden waxaa Falalka xadgudubka ee lagu gubay Nuqulo Kitaabka Qur’aanka kaga baxay Ku-dhawaad 200,000 oo Dollar,  sida laga soo xigtay Warbaahinta Maxaliga ee dalkaasi.

Si kastaba, Dunida Muslimka waxay dhigeen Dibadbaxyo lagu cambaaraynayo Oggolaanshaha Dowladda Sweden ee falalka xadgudubka ku ah Diinta Islaamka iyo Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Related posts

Dowladda oo u mahad celisay dalal Yurub kuyaala oo caawinaya Soomaalida Ukraine ka qaxday

Cabdi Cade

Dalalka Itoobiya, Masar iyo Sudan oo heshiis horu dhac ah gaaray iyo Masar oo shaacisay …

Cabdi Cade

Madaxda Maamul goboleedyada oo lagu casuumay Shir ka dhacaya Garawe (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---