Galmudug oo raali gelin ka dalbatay hadalo ka soo yeeray Gudoomiye Basmo Caamir

Maamulka iyo taageerayaasha Galmudug ayaa raali gelin ka dalbaday Guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadi Basmo Caamir Shakeeti oo ay ku eedeeyeen iney warbaahinta ka sheegtay hadalo gef ah ku ciyaartoyda Galmudug ka dib markii ay dhamaatay ciyaartii finalka ee ay iskaga hor yimaadeen gobolka Banaadir.

“Ciyaartoyda gobolka Banaadir waxba looma balan qaadin si isxilqaan ah ayey ku shaqeeyeen, koobkana ku hanteen, dalka ayey leeyihiin iyo caasimada iyo calankaas ayey dfaacayeen, Ciyaartoyda Galmudug ee loo balanqaaday Turkiga hadda Cadaado ayey ku laabanayaan, laakiin kuwa gobolka Banaadir degmooyinka Muqdisho ayey ku dalxiisayaan” ayey ku tiri Basmo Caamir Shakeeti.

Hase ahaatee Wasiir amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa hadalka Basmo ku tilmaamay mid gef ah oo laga xumaado, isagoo ka dalbaday iney raali gelin ka bixiso.

“Hadalka gabadhan Guddoomiye Ku xigeenka ka ah gobolka Banaadir Waa mid gef ah oo u muuqda inuu liddi ku yahay ujeedadii tartanka cayaaraha loo qabtey oo ah isdhexgal Bulsho iyo walaaltinimo, iyo in 90-ka daqiiqo ee cayaartu socoto loo daayo hadalada taageerada ah ee aan xanafta laheyn, Gobolka Banaadir reer Galmudug cidna kama xigsan karto, degmooyinka ay sheegtey in badan oo ka mid ah waxaa deggan dad ka soo jeeda Galmudug. cayaartoyda Galmudugna meesha ay tagayaan ama ay joogayaan ayaga ayaa xor u ah oo ma ahan mid ayada ay go’aankeeda leedahay ama wax laga weydiinayo, Anigoo ixtiraamaya Maamo Basmo, haddana waa inay si lagu qanci karo oo u dhiganta qaabkii hadalada gefka ah ay ugu dhiiratay inay uga dhiirato ka cudurdaarashada hadalkaas qaldan” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Xulka  gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay koobka ciyaaraha dowlad goboleedyada ka dib markii ay ka adkaatay kooxda Galmudu oo markii ugu horeysay sanad yimid finalka, iyadoo ciyaarahan ay ahaayeen kuwii ugu xiisaha iyo xamaasada badnaa ee sanadahan lagu qabto Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -