Al Shabaab oo Weerar Qarax ku bilowday ku qaaday Saldhig ay joogaan Ciidamo Mareykan ah

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhig ciidan oo kuyaala garoonka Balli-Doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas ay joogaan ciidamo isugu jira Soomaali iyo Mareykan.

Weerarka Al Shabaab ku qaadeen xerada ciidanka Balli-Doogle ayaa la sheegay in uu ku bilowday gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray halka laga gelo xerada ciidanka.

Qaraxyada kadib ayaa la sheegay in dagaalyahno hubeesan weerar toos ah ku qaadeen saldhiga ciidanka Balli-Doogle, waxaana lasoo sheegayaa in halkaasi ka socdo dagaal xoogan oo labada dhinac u dhaxeeya.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan xoogan ay saakay Al Shabaab ku qaadeen saldhiga Balli-Doogle, waxaana saldhigan degan ciidamo Mareykan ah oo gacan siiya ciidanka Kumaandooska Soomaaliya.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha weerarkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah 

- Advertisement -