Dagaalo Khasaare geystay oo ka socda degaano ka tirsan gobolka Galgaduud

Warar aan ka helayno deegaanka miyiga ah ee u dhaxeeya Hulkujir iyo Qalaanqale ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in uu halkaas ka socdo dagaal qaraar oo u dhexeeyo labo maleeshiyo beeleed

Khasaare dhimasho iyo dhaawac badan ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay dagaalkan waxaana la isku adeegsanaya gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan.

Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhintay Ku dhawaad 14 kale oo labada dhinac ka tirsana waa ku dhaawacmeen Dagaalkan .

Khadka Talefanka iyo internetka oo aan si fiican u shaqaynayn degaanadaas ilaa shalay ayaa  adag in la helo xog dhamaystiran

Dhaawacyada labadaan maleeshiyo beeleed ayaa lakala geeyay magaalooyinka Caabud-waaq iyo xeraale oo ay ku abtirsadaan Dadkaan ku dagaalamaya Deeganadaas

Maamulka Galmudug iyo Maamulada labadaan Degmada iyo waxgaradka Degaanka ayaan wali ka hadlin Colaada ka aloosan Degaanadaas.

 

- Advertisement -