Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay Munaasabad weyn oo ka dhacday Tanzania (Sawirro)

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Tanzania ayaa madaxda sare ee dalkaasi kala qayb galay munaasabadba maalinta midnimada dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa dowladda iyo shacabka Tanzania ugu hambalyeeyay guulaha ay ka gaareen ilaalinta midnimada iyo wadajir dalka, waxa uuna madaxda dalkaasi ku ammaanay doorka wannaagsan ee hoggaamineed .

Xasan Sheekh ayaa dhiggiisa Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan la wadaagay mudnaanta ay dowladda Soomaaliya siinayso xiriirka wannaagsan ee ka dhexeeya labada dal oo uu sal-dhig u yahay xoojinta iskaashiga diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo wax wada-qabsiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaana dalka Tanzaania u aaday sidii uu uga qeyb noqon lahaa madaxda kala duwan ee lagu casuumay munaasabadda maalinta midnimada ee dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia oo Malaayiin dollar loogu deeqay ka dib booqashadii Linda Thomas-Greenfield

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo Muqdisho ka bilaabay ololaha qorshe uu Xasan Sheekh wato

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in khilaaf cusub uu ka dhex curtay Madaxda sare ee Maamulka Galmudug?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---